Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Puntland maxaa ka yeersiiyay Sool Baan Soo Celinaynaa
    • Yaa Booqday Xafiiska Aruurinta Danaha Khaatumo
    • Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN
    • Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso?
    • XIRSI CALI IYO WACAYS AADAN NABADA NOO QAATA
    • DF Soomaaliya oo qaaday ciidamadii ay dhigtay Daljirka Daahsoon
    • R/W Rooble oo helay fursad weyn, afar sabab dartood
    • Ruwaayadaha Buhoodle lagu dhigayo oo soo badanaya
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest RSS
    DALDOON
    • Home
    • Wararka
    • Maqaalo
    • Muuqaalo
    • Barnaamijyo
    • Contact
    DALDOON
    You are at:Home»Creative»Assorted»Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

    Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

    0
    By dalddon@100 on March 24, 2021 Assorted, Barnaamijyo, Creative, Decoration, Dunida, Featured, Ganacsi, Maqaalo

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Janan uu ugu soo biirayo isbaheysiga Farmaajo, oo ay isku beel yihiin.

    Cabdirashiid Janan oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi doonin.

    Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dowladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro ahaan lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Jubbaland.

    QODOBADA LAGU HESHIIYAY:

    1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

    2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

    3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

    4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

    5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin

    Masuuliyiin ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana waxey wararka qaar sheegayaan inuu imaan doono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turkiga.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    “MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    dalddon@100
    • Website

    Related Posts

    Puntland maxaa ka yeersiiyay Sool Baan Soo Celinaynaa

    Yaa Booqday Xafiiska Aruurinta Danaha Khaatumo

    XIRSI CALI IYO WACAYS AADAN NABADA NOO QAATA

    Leave A Reply Cancel Reply

    Ogaysiis Muhiim Ah

    FOLLOW US
    • Facebook
    • Twitter
    • Instagram
    • YouTube
    WARARKII UDAMBEEYAY
    April 7, 2021

    Puntland maxaa ka yeersiiyay Sool Baan Soo Celinaynaa

    April 3, 2021

    Yaa Booqday Xafiiska Aruurinta Danaha Khaatumo

    March 24, 2021

    Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

    March 6, 2021

    Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso?

    March 6, 2021

    XIRSI CALI IYO WACAYS AADAN NABADA NOO QAATA

    March 6, 2021

    DF Soomaaliya oo qaaday ciidamadii ay dhigtay Daljirka Daahsoon

    March 6, 2021

    R/W Rooble oo helay fursad weyn, afar sabab dartood

    March 5, 2021

    Ruwaayadaha Buhoodle lagu dhigayo oo soo badanaya

    March 5, 2021

    Su’aalo ka dhashay kulan uu Cali Guudlaawe kaga qeyb-galay xafiiska R/W Rooble

    March 2, 2021

    (Video) Shacabka Sool Marna Ma Ogala Doorashada Maamulka Somaliland

    WARARKA UGU AKHRISKA BADAN
    April 7, 2021

    Puntland maxaa ka yeersiiyay Sool Baan Soo Celinaynaa

    April 3, 2021

    Yaa Booqday Xafiiska Aruurinta Danaha Khaatumo

    March 24, 2021

    Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

    March 6, 2021

    Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso?

    March 6, 2021

    XIRSI CALI IYO WACAYS AADAN NABADA NOO QAATA

    March 6, 2021

    DF Soomaaliya oo qaaday ciidamadii ay dhigtay Daljirka Daahsoon

    Copyright © 2021 Daldoon. Design by Dhismo Ict.
    • Home
    • Barnaamijyo
    • Ganacsi
    • Muuqaalo
    • Wararka

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.