Xubno saraakiil ka tirsan maamulka somaliland oo uu weheliyo wasiirka gaashaandhiga somaliland ayaa gaadhay aaga jiida hore ee tukaraq gobolka sool halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka jireen kacdoon ay wadeen maleeshiyaadka ku sugan aaga gobolka sool.
Bilihii u dambeeyay waxaa jiray maleeshiyaad si dhuumasho ah oga baxsaday saldhigyada jiida kuwaa oo u socdaalay magaalada muqdisho si ay ugu biiraan ciidamada dawladda federaalka soomaaliya kuwaa oo nolol dhaama ta ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka somaliland.
waxaana jiray gadood markii hore qarsoonaa balse todobaadkii tagay soo shaac baxay islamarkaana uu jiray isku dhacyo maleeshiyaadka dhexdiisa ah laguna dhaawacay sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka
(Video) Shacabka Sool Marna Ma Ogala Doorashada Maamulka Somaliland