Khubaro Soomaali Iyo Turki ah oo sheegtay In Somaliland Wareega Soo Socdo Qaadan doonto Federaalka

Khubaro saadaliya Arrimaha Somalia ee ka soo kala jeeda Somalia iyo Turkiga, ayaa sheegay in Bohoshii ay Dowladda Somalia u qoday Maamulka Somaliland kusoo dhacday ka gadaal markii uu Maamulka Somaliland qaatay heshiis ah inay qaatan Federaalka ogolaadeena inay hoostagaan Dowladda.

Dr. Najat Axsan oo u dhashay Dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia, ay taabatay halkii laga raadin jiray guusha, isaga oo sheegay in Bohoshii ay Dowladda qoday kusoo dhacay Maamulka Somaliland, taasoo uu ku sheegay ula jeedkiisa in hamiga Somaliland uu ahaa mid ku eg hawada.

Dr. Najat, waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland xiliga wada-xaajoodka ay ku cel-celinaayen Hawada iyo in wax laga siiyo Dhaqaalaha dalka loogu deeqo taasoo uu ku sheegay mida guusha usoo hoyisay Dowladda Somalia, wallow caalamku uu iska filqay Aqoonsiga Maamulka Somaliland.

Haddalka Khabiir Najat, ayaa waxa uu imaanaya Xilli uu Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Abdikariim Guuleed oo saxiixay heshiiska waxaana kamid ahaa haddalkiisa “Heshiiska Hawada Somalia ee aan Hargeysa u saxiixnay waa goolkii ugu horeeyay ee aan dhalinay maxaa yeelay magaca gudigga ku hoowlgelayaan ee Caalamka aqoonsan yahay wuxuu yahay (Somali Federal Civil Aviation), sidaas darteed waa guul,waxaana rajo ka qabaa inay shirka Sedexaad ku saxiixaan heshiiska Midnimada Somalia”.

Shirkii maalin ka hor kusoo idlaaday Turkiga, ayaa waxa uu raali galiyay Shacbiga Somaliland, basle waxaa hoos socda Siyaasado daahsoon taasoo muujineysa Hamiga jilicsan ee Maamulka Somaliland.

Siyaasiyiinta ayaa waxa ay is bar-bar dhig ku sameynayaan halka uu ku biyo shuban doono Hamiga Somaliland, qaarkood waxa ay saadaalinayaan in Somaliland ay Turkiga ku ballan qaaden inay qaateen Midnimada, halka qaarna ay sheegayaan in Somaliland Taageero ka weysay Caalamka isla markaana qaadatay Federalka.

Muhiimadda Dowladda ayaa waxa uu yahay in mar qura la helo duleelaha Maamulka Somaliland iyo in la qaato Midnimada, taasoo iminka Horu dhaceeda la helaayo balse rajadu ay intaa kasii balaaran tahay.

Si dhab ah looma saadalin karo halka ay caga dhigan karto Siyaasadda Somaliland, balse waxaa la xaqiijiyay in Somaliland ay ku qanceen Maamulida Hawada.